Friday, April 17, 2026
HomeWararGudahaAskar jirdil u geystay nin baahiyaha gaarka ah qabay oo xukuno lagu...

Askar jirdil u geystay nin baahiyaha gaarka ah qabay oo xukuno lagu riday{SAWIRO|

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

𝗠a𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

“Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maxkamada ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Shuute  ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA ASKARTA LA XUKUMAY

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe