Thursday, February 13, 2025
HomeWararDagaal ka socda xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dagaal ka socda xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow isgoyska Carwo Itko ee kala qeybiya degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley ee Magaalada muqdisho.

Waxaa goobta uu dagaalka ka socdo laga maqlayaa  rasaaas fudud iyo baasuukayaal. Illaa iyo hadda ma cadda cidda dagaalamaysa, waxaana jira khasaaro ka dhahay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu u dhaxeeyo rag hubeysan oo watay Gaari, kuwaas oo isu dayay inay si awood ah ku maraan Bar-koontorool oo halkaasi ku taalla.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in raga hubeysan ay dhowr bamboo gacmeed ku tureen Xarunta Waaxda Afaraad ee Barwaqo oo ka tirsan degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadi

 

 

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe