Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiiradda oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirada sii haya-yaasha ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, caafimaadka, boostada iyo isgaarsiinta, gargaarka, ganacsiga iyo wasiirka duulista hawada.
Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daauud Xaaji Cirro oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in la isku raacay in hir-Shabeelle ay yeelatao Ciidamo daraawiish ah oo la dagaalama Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in degmooyin iyo degaano ka tirsan Hir-Shabeelle ay weli ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee ay Hir-Shabeelle qaadi doonto howlgallo looga saarayo.
Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ka dhacay weeraro ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin iyo Askari, waxaana jirin tallaabo dhanka Amniga ah oo ay qaadeen Madaxda Hir-Shabeelle.

