Home Warar Heesaagii La Hilmaamay!

Heesaagii La Hilmaamay!

222

nullNolosha Bani’adamku waxaa ay jirtaa muddo kooban oo dunidda laguma waariyo sikastoo ay magac ama darajo u gaaraan, balse waxaa jira waxyaabo lagu xasuusto xumaan iyo samaanba, sida magaca, waxqabad iyo waxyaabo kale. Inkastoo ay jiraan kuwo xasuustooda la iska hilmaamo.

Dhawaan waxaa magaalada muqdisho soo gaaray hobolada caanka ah ee Xasan Aadan Samatar, iyo Axmed Cali Cigaal, kuwaasi oo la socday waftigii Madaxweynaha Jabuuti, waxaana loo soo dhaweeyay si sharaf iyo maamuus leh.

Kasokow soo dhaweynta madaxda ay la socdeen waxaa fanaaniintaan loo soo dhaweeyay si ka gooniya, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa magac iyo miisaan ku dhex leh soomaalida muddana dalka ka maqnaa.

Labada Fanaan oo la sawiran Ra’isul wasaare Kheyre    Sawirka-SONNA

Hoboladaan waxaa ay la kulmeen madaxda sare ee Dalka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Waasaaraha, iyo madax kale waxaana midkastaahi uu u qaabilay si heer sare ah, ayadoo loo sameeyay maamuus aysan helin fanaaniinta kale.

Labada Fanaan oo la sawiran Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sawirka-Twitter

Waxaa lagu casuumay casho sharaf Villa Soomaaliya, loogu sameeyey waftigii ka yimid jabuuti, si ay u maaweeliyaan madaxda iskugu imaaneysa. Waxaa la geeyay Masrax ay naadir tahay inuu fanaan ka heeso waxayna madaxdii goobta fadhisay ku madadaaliyeen heeso fariimo kala duwan xambaarsan.

Kasokow madaxda waxaa shaashadaha Telefishinada ka daawanaayay boqolaal soomaali ah oo xiisa u qabay, sidoo kale baraha interneedka waxaa muuqaaladooda ka daawaday kumannaan kale.

Hadaba sheekada nuxurkeedu waxaa ay tahay waxaa jira fanaaniin kale oo la heer ah Xasan Aadan iyo Axmed Cali Cigaal, kuna nool muqdisho oo la iska hilmaamay, kuwaasi oo u baahanaa hiil iyo garab is taag sida Cabdi Tahliil Warsame.

Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo ku xanuunsan muqdisho Sawirka-Facebook

Allaha Caafiyee Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame, waxaa uu ka mid yahay fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanno gayiga Soomaalida, waxuuna ku caan baxay luuqda iyo codkiisa macaan ee heesaha uu qaaday, kuwaasi oo kaalimaha koowaad kaga jira heesaha soomaalida.

Muddo dhawr sanno ah ayuu ku xanuunsayaa magaalada muqdisho, waxaana xiliyadii danbe aad u sii xumaanaysa Xaaladdiisa caafimaad, mana jirin daryeel caafimaad oo uu ka helay dawladd iyo shacab intaba.

Ummadaha kala duwan ee caalamka ku nool ma hilmaamaan haldoorkooda, dawladduna waxay siisaa daryeelka ay u baahanyihiin, Inkastoo aanaan laheyn dawladd daboosha baahiyaha caafimaad ee bulshada hadana ma aheyn in la hilmaamo Cabdi Tahliil Warsame iyo dadka kale ee la midka ah.

Madaxda Dawladda iyo fanaaniinta durbaanka loogu garaacay Villa Soomaaliya, waxay aheyd in xittaa ugu yaraan ay gurigiisa ku booqdaan si ay ula qeyb sadaan dhibka uu la xanuunsanayo.

Kaliya maahan Cabdi Tahliil, ee sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo qiimo u lahaa dalka iyo dadka, kuwa u soo halgamay iyo haldooro dalka la jeclaa, kuwaas oo aan helin maamuskii iyo garab istaagii ay u baahnaayeen.

Ma mudana in la hilmaamo haldoorka soomaaliyeed, ee waxay mudanyihiim in maqaamkooda loo sameeyo maamuus gooniya si loogu xasuusto.

W/Q: Axmed Nor Maxmed Xasan (Ahmed Nor Sudani)