Wararka Maanta Ka Imaanayo Degmada Af-Gooye Ee Gobolka Shabeellada Hoose Ayaa Kusoo Warramayaa In Gudaha Degmadaasi Ay Ciidanka Dawladdu Ka Wadaan Hawl-Gallo Ballaaran Oo Amni Xaqiijin Ah.
Ciidamada hawl-galkan Sameynaya Ayaa Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Waxa Ayna Si Gaar Ah Hawl-galka Uga Sameynayaan Xaafadaha Ay Ka Kooban Tahay Magaaladu.
Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Degmada Af-Gooye Axmed Abuukar Sabriye Ayaa Soo Sheegaya In Ciidamada hawl-galkaan sameynaya In Guri Guri U Baarayaan Dhammaan Xaafadaha Ay ka Kooban Tahay Degmadaasi Af-Gooye.
Waxa Uu Xusay Wariyuhu In Ciidamadu Ay dadka Weydiinayaan Aqoonsi Iyo cidda Taqaan Iyo Sidoo kale Waxa Uu Xusay In Su’aalo Dhawr Ah Oo Dadka Weydiinayaan.
Dhinaca Kale Xariiro Aan La Sameynay Maamulka Degmada Iyo laamaha Ammaanka Af-Gooye Si Aan Wax Uga Weydiino Hawl-galladan Nooma Suura-Gelin In Aan Taleefanka Ku haleelno.
Maalmihii Dambe Ciidanka Dawladda Soomaaliya Ee Ku Sugan Degmada Af-Gooye Ayaa Sara U Qaaday Hawl-gallada Amni Xaqiijinta Ah Oo Ay Ka Sameynayaan Xaafadaha Ay Ka Kooban tahay Af-Gooye.
Sidoo Kale Hawl-galkaan Ayaa Imaanaya Xilli Todobaadkii tagay Kulan Looga Hadlay Amniga Uu Ka Dhacay Degmada Af-Gooye Kaas Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Maamulka Degmada Iyo kan Gobolka Shabeellada hoose.