Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Ciidanka Xasilinta gobolka Nugaal ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.
Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah Kuwa daraawiishta maamulka Puntland ayaa lagu kordhiyay suggida Ammaanka Magaalada Garowe.
Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Musharaxiinta qaarkood ayaa Magaalada lasoo galay hub farabadan, waxaana hubkaasi ay ugu tala galeen in ay ku ilaaliyaan Ammaankooda,taasoo laamaha Ammaanka ay sheegeen in ay abuurtay Qalqal Amni.
Ciidanka Booliska ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka, waxaana dhammaan Xaafaddaha Magaalada lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah.
Horay Taliyaha Ciidanka Loo Xilsaaray Sugidda Amniga Garoowe Inta Lagu Guda Jiro Doorashada Maamulkaasi Waxa Uu Tilmaamay In Aysan Ogolaan Doonin Musharrax Hub Iyo Ciidanba La’ Geli Kara Goobta Ay Doorashadu Ka Dhaceyso.
Waxa Uu Sheegay In Puntland Ciidamo GaarAh U Saartay Sugidda Amniga Musharraxiinta Iyo Goobta Ay Doorashadu Ka Dhaceysaba Isla-Markaana Wax Walba Oo Dhibaato Ah Oo Dhaca Inta Lagu Guda Jiro Doorashada Lagula Xisaabtamayo isla-Markaana Wax Laga Weydiinayo Ciidamadaasi.
8 Bishaan Oo Ku Beegan Taalada Soo Socota ayaa lagu waddaa in Magaalada ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Shanta Sano Ee Soo Socta.