Friday, May 1, 2026
HomeWararDibaddaHawgal ka dhacay gobolka Baay ee DG Koonfur Galbeed oo lagu dilay...

Hawgal ka dhacay gobolka Baay ee DG Koonfur Galbeed oo lagu dilay xubno ka tirsan AS

Hawgal qorsheesan ay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen tuulada Saydhelow ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War kooban oo goordhaweed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ka qaatay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah.

Hawgalkaan ay Ciidamada dowladda ka fuliyeen tuulada Saydhelow ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa qeyb waxa uu ka yahay hawgallo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaano dhaca gobolka Baay.

Deegaankada dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kaga dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli dhammaadka todobaadkii hore uu booqasho ku tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe