Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa Haweeney Soomaali ah ku dilay degaanka Rhamo, oo ah degaan hoostaga Magaalada Mandheera.
Askarta Booliska ah ayaa toogtay Cabdiya Cumar oo Gurigeeda ka soo baxeysay xilliga ay tooganayeen.
War ka soo baay Booliska ayaa lagu sheegay in xilliga dilka uu dhacayay ay Booliska Roondo ku jireen islamarkaana ay Cabdiya weydiisteen in ay istaagto kana dhega fureysatay sidaasna mid ka mid ah Askarta uu rasaas ugu furay.
Dhallinyarada degaanka ayaa isu soo bax ka dhigay,waxaana ay sidoo kale is qabteen Ciidamada Booliska ee degaanka.
Cabdi Xasan Geedoow oo ka mid ah Dadka degaanka ayaa sheegay in Booliska Kenya ay toogteen Cabdiya iyaga oo ka hor dilka la hadlay laakiin ay maqli weysay.
Kiplagat Tarus, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Waqooyiga Mandheera ayaa sheegay in Guddi xaqiiq raadin ah oo dilkaas baaritaan ku sameeya ay direen islamarkaana ay natiijada ka war sugayaan.