Tuesday, March 18, 2025
HomeWararHargeysa:- Somaliland Oo xabsiga dhigtay Rag Samaynayey Baasaaboorka Soomaaliya.

Hargeysa:- Somaliland Oo xabsiga dhigtay Rag Samaynayey Baasaaboorka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay ,iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda  Somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay galeen goob lagu sameynaayay Baasaboorka Soomaaliga, waxaana ay soo qabtay Shan nin oo ka shaqeynaysay.

Xukuumada Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga,maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe