Home Barnaamijyo Halista Coronavirus ee Galmudug

Halista Coronavirus ee Galmudug

282
  1. Halista Coronavirus ee Galmudug

Maalinkasta deeganada Galmudug waxaa yimaadan jaad/khaad laga keeno Itoobiya

Jaadkan oo la soo mariyo dhulka ayaa intiisa badan la geeyaa magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq

Si caadi ah ayaa jaadka loogu iibiyaa goobaha lagu gado

Xiligan oo dowlada Somaliya joojisay dhaq dhaqaaqyadii ka imaanayay dibada iyo kuwii gudaha si looga hortago Coronavirus ayaa deeganada Galmudug waxay halis ugu jiraan caabuqa Coronavirus maadama dalka Itoobiya laga keeno jaad

Waxaa la ii sheegay in Jaadka la soo galsho Galmudug loo sii gudbiyo goobo kale oo dalka ah isagoo loo qaado hab qarsoodi ah taasoo macnaheedu yahay in deeganada kale kotorobaan ka yahay balse Galmudug uu ka yahay caadi in laga ganacsato Khaadka

Maamulka Galmudug ayaa amaro kasoo saarin qaadka sida joogtada ah loo keeno deeganka kaasi oo dad badan ka qabaa cabsi ah inuu deegaanka ku talaalo Coronavirus

Masuuliyiinta Galmudug ayaa iska indhatiraya halista muuqata ee la xiriirta jaadka laga keeno Itoobiya oo laga helay kiisas caabuqa Coronavirus ah

Waxaa qoray Mohamed Mohamud Aw-adan