Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Galmudug C/fitaax C/laahi Warsame xoghayaha Xiriirka Faarax bashir xusen iyo Masuuliyiin kale ayaa maantay lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Soo dhaweynta masuuliyiintaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda Cagta Galmudug C/daruus Cali iyo ururada Dhalinyarada Gobolka iyo degmada Gaalkacyo.

