Thursday, June 25, 2026
HomeWararGudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Puntland

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland  iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe