Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in dhaawac culus soo gaaray
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay geerida Mahad Cilmi gudoomiyaha degmada Waaberi
Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen gudoomiyaasha degmooyinka C/casiis, iyo Howlwadaag
Dhaawac culus ayaa la sheegay inuu soo gaaray gudoomiyaha degmada Warta Nabada
Tiro kale oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in haweeney isku qarxisay xarunta gobolka