Kulanka Golaha shacabka ee maanta ayaa inta badan looga doodayaa Warbixin Maaliyadeed ay dhawaan gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka taas oo sheegeysay in lacago ka badan $40Milyan ay maqanyihiin.
Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in Warbixintan aysan heysan waqti ku filan waxaana uu yiri “War-bixintaan waa mid laga soo hormariyay waqtigeeda, waxaana la doonayaa in lagu carqaladeeyo shaqada quruxda badan ee Maaliyadda, waxayna dhabar jab ku tahay hankii laga lahaa cafinta daymaha Soomaaliya. Waxaan codsanaynaa in raali-galin laga bixiyo, cid saxiixdayna majirtoo waa been abuur”.
Dhinaca kale Xildhibaan Cali Cabdi, oo ah Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka ayaa eedeeyay Xildhibaannada duraya warbixintii ay soo saareen,waxaana uu yiri “waxaan haynaa saxiixyada iyo sawiradii laga qaaday xildhibaanada, waana qalad in xildhibaanada qaarkood ay difaacaan Wasaaradda Maaliyadda. Xildhibaanada ayaan usoo gudbinaynaa qaladaadka jira”. Xildhibaan Cali waxa uu qabaa in xildhibaanada duraya war-bixinta ay laaluush qaateen.
Doodda Xildhibaannada ayaa wali socota,waxaana Xildhibaanno gaaraya 10 oo ka mid ah Golaha shacabka Guddoonka u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ay ku sheegayaan in ay dhaliil u hayaan Warbixinta ay gudbiyeen Guddiga Maaliyadda ee sheegeysay lacagaha maqan.