Saturday, March 22, 2025
HomeWararGudi kasocda beesha Habargidir ayaa maanta Cadaado kula kulmay odayaasha beesha reer...

Gudi kasocda beesha Habargidir ayaa maanta Cadaado kula kulmay odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan

Gudiga beesha Habargidir ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in la nabadeeyo beesha islamarkaana meesha laga saaro mad madowga jira si loo gaaro midnimo Habargidir

Beesha reer Xaaji Saleebaan ayay ka codsadeen in kaalintooda ay ka qaataan nabadeena beesha waxayna tilmaameen la qabanayo gogol la isugu keenayo Habargidir si ay uga tashtaan aayahooda

Odayaasha dhaqan beesha reer Xaaji ayaa gudiga u sheegay in diyaar u yihiin isku keenida beesha islamarkaana dhankooda ay soo dhaweynayaan

Gudiga beesha Habargidir ayaa horay ula soo kulmay odayaasha beesha Sacad waxayna sidoo kale rabaan inay la kulmaan beelaha kale aysan wali is arag

Qorshaha ayaa ah in la qabto shirweyne beesha Habargidir gudigan ayaa cilaamin doono goobta iyo waqtiga shirweynaha hadii alle idmo

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe