Saturday, April 18, 2026
HomeWararDabley hubeysan oo nabadoon ku dishay Afgooye

Dabley hubeysan oo nabadoon ku dishay Afgooye

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim waxaana uu ka mid ahaa Odayaasha Degmada Afgooye, iyadoo dilkiisa uu dhacay waqtigii hore ee fiidka.

Dilka wuxuu ka dhacay Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, waxaana meeshaasi ka baxsaday dableydii hubaysnayd ee dilkaasi gaysatay.

Ciidamada dowladda oo waqti dambe tagay goobta dilka uu ka dhacay, ayaanan u suuragelin inay soo qabtaan dableydii dilkaasi ka dambeysay.

Maalmahan dambe waxaa soo batay dilalka qorsheysan ee loo gaysanaayo Ergooyinkii ka tirsanaa soo xulista Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya & Shaqsiyaadka kale ee loo arko inay xiriir la leeyihiin dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegata inta badan masuuliyada dilalka noocaan ah oo loo gaysto dadka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe