Saturday, April 18, 2026
HomeWararDibaddaGuddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka soomaaliya oo ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka soomaaliya oo ku geeriyooday Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaare.

Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa una geeriyooday xanuunkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn uga naxay geerida guddoomiye Jawaari, waxaana baraha bulshada qabsaday tacsida geerida Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79-sanno jir, waxa uuna labo mar soo noqday guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Guddoomiye Jawaari ayaa xubin kasoo ahaa Dowladihii kala danbeeyay ee dalka Soomaray.

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajucuun.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe