Guddoomiyahii Hore ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa mar markale dib loo doortay kadib markii uu heley codadkii la tiriyey 55.
Cabdiraxmaan waxaa doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna helay 18 cod
Aadan Khaliif Xaaji ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland. Ma jirin musharrax la taagnaa sidaa awgeed gacantaag ayeey ku doorteen baarlamaanka isagoo helay 72 cod.
Cabdi Baaleey Xuseen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland wuu Guuleystay kaddib markii uu u tanaasulay musharraxii la taagnaa gacantaag ayuuna ku helay 73 Cod.
Doorashada Madaxweynaha ayaa loo balansanyahay Khamiista soo socota.

