Tuesday, May 26, 2026
HomeWararGuddoomiyaha degmada Buulo Burde oo sheegay in la go’doomiyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha degmada Buulo Burde oo sheegay in la go’doomiyay Al-Shabaab

Dagaal socday muddo ku dhow 10 saacadood ayaa Axaddii shalay ka dhacay meel u dhaw magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaas ayaa dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa macaawisleyda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burde, Cisman Geeddi Cilmi ayaa sheegay in dagaalka uu bilaawday markii Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada dowladda iyo dadka dib u xoreynta degaanka oo ku sugnaa degaanka Jicibow oo qiyaastii ku dhawaad 30km u jira degmada Buulo Burde,halkaasna uu dagaal xoogan ka dhacay.

Wuxuu sheegay in khasaaro xoogan dagaalka lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sidòo kalena lagu go’doomiyay dhulka Buuraha ah ee u dhow aaga deganka Jicibow, isla markaana Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weli wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buulo Burde waxaa hadalkiisa uu intaasi kudaray in Xubno katirsan Al-Shabaab oo iska soo aruursaday dhinaca Gobolka Bakool iyo degaano kale si ay ula wareegaan degaannadii laga qabsaday ee Gobolka Hiiraan ay ahaayeen balse laga hortegay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe