Thursday, April 18, 2024
HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay Marxuum Cumar Dhalaxow

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay Marxuum Cumar Dhalaxow

Guddoomiyaha Golaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dhalaxow oo maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka ayaa iyadoo uu soomanyahay Maalin Ramadaan waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah urajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan islamarkaana cadaalada la hor keeni doono.

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe