Home Warar Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey qorshaha xasillinta amniga caasimadda goji berries superfood

Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey qorshaha xasillinta amniga caasimadda goji berries superfood

394

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada.

https://holistickenko.com/goji-burst-smoothie-better-digestion/

goji berries superfood

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, waxuna tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka.

https://holistickenko.com/goji-burst-smoothie-better-digestion/