Thursday, June 25, 2026
HomeWararGudahaGolaha Wasiirrada Nepal oo si degdeg ah u fasaxay isticmaalka Baraha Bulshada

Golaha Wasiirrada Nepal oo si degdeg ah u fasaxay isticmaalka Baraha Bulshada

Golaha Wasiirrada Nepal ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay kacdoonka ka dhashay go’aankii Dowladdu ku xayirtay isticmaalka Baraha Bulshada Dalkaas kaddib markii rabsho dhacay ay galaafteen nolosha 19 ruux halka ay dhaawacmeen in ku dhow 100 kale.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Dalka Nepal Prithvi Subba Gurung oo Warbaahinta la hadashay ayaa ka cudur daaratay rabshada dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca, waxa ay markiiba ku dhawaaqday in la fasaxay baraha Bulshada.

Waxa ay difaacday go’aankii Dowladdu ku diiday ama ku xayirtay, iyada oo ku sifeysay mid looga hortagayay faafinta macluumaadka aan saxda ahayn, Prithvi Subba Gurung ayaa intaas ku dartay in Dadka looga baahan yahay in ay ilaaliyaan anshaxa Dalka.

Facebook, Youtube, Instagram iyo mareeg kale ayaa laga mamnuucay Nepal todobaadkii tagay, dad inta badan ku tiirsan oo isugu jira dhallinyaro lacago ka sameysa barahaas iyo ganacsato ku iibisa badeecadahooda ayaa la sheegay in ay tallaabtaasi saamaysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe