- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Cabdullahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Marwo Fadumo Cabdi Cali ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Golaha Wakiillada.
AJANDAHA KULANKA:
1. Ansixinta Jadwal-hawleedka Golaha ee Kalfadhiga 10aad
2. Warbixinta iyo Xal u helidda dagaal-beeleedkii ka dhacay deegaanada Xeraale iyo Cabuudwaaq.
3. Warbixinta Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley.
Ugu horeyn Kulanka Guud ee Golaha waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan Cabdinuur Maxamed Xaashi oo beddelay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud (Naaleeye)
kadib Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillad Mudane Xasan Maxamuud Faarax ayaa Mudanayaasha u faah faahiyay Qodobada Jadwal-hawleedka Kalfadhiga 10aad, waxa ayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.
Golaha ayaa kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiinta Galmudug ka dhageystay warbixin ku saabsan degmaynta Degmooyinka kala ah; Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley.
Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday Xaaladda dagaal-beeleedkii ka dhacay deeganada Waqooyiga Galgaduud iyaga oo u saarey guddi ka tirsan Baarlamaanka oo gacan kusiiya Guddiga ay Xukuumaddu u magacawday ee ku hawlan Xasilinta iyo nabadaynta Beelihii uu dagaalku ku dhexmaray deeganadaasi.
Ugu dambeyn Golaha ayaa ugu deeqay Dhismaha cusub ee Aqalka Golaha Gunnadooda hal bil in lagu kabo dhismaha Aqalka Golaha Wakiillada.

