Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golahaas waxa ay kawada hadleen dardargelinta howlaha shaqo ee aqalkaan horyaalla inta uu ku guda-jiro kalfadhiga 3aad.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku xigeennadiisa ayaa warbixinno ka dhageystay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo ah marinta lasoo mariyo qodobada la horgeynayo Golahaas.
Waxaa diiradda si gaar ah loo saaray wax ka baddelka Dastuurka, dardargelinta qodobada kasoo gudba Xukuumadda Federaalka, in la qaato nidaam lagu saleynayo habraaca shaqada ee kalfadhiga 3aad & qodobo kale.
Guddiga la socodka Arrimaha Dastuurka ayaa Golaha Shacabka u gudbinaya wax ka baddelka iyo sida loo hagaajinayo si Xildhibaannada Goluhu uu dhageysi, dood iyo u codeyn ugu sameeyo waxka baddelkaas marka loo gudbiyo.
Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Xasan Nuux oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqo muuqata uu Golahaan qabtay intii uu furnaa kalfadhigii labaad loona baahan yahay in kalfadhigaan in howl kasii badan lagu qabto.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka waxaa horyaalla dhowr ajende oo qaarkood la furay sida mooshinka Xildhibaannadu ay ka wadaan Muddo kororsi inkasta oo dodo diidmo iyo taageero ah ay ka sameyeen mudanayaasha.

