Tuesday, June 30, 2026
HomeWararGolaha Aqalka Sare oo Maanta loo qeybinayo Xeer ku saabsan muddo kordhin

Golaha Aqalka Sare oo Maanta loo qeybinayo Xeer ku saabsan muddo kordhin

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay kulan ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in uu Maanta jiro Kulanka Aqalka Sare, waxaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin.

1.Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka KMG, xeerjaas oo ah mid muddo kordhin loogu sameeynaya xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Maalihii la soo dhaafay ansixiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo kasoo gudbay Golaha Shacabka, waxaana weli horyaalla sharciyo dhowr ah oo kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe