Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ka Qayb galay Shirka Nabadeynta Beelaha Walaha ay dirirtu ku dhex Martay degaannada Saax-Megaag Iyo Sanga Jabiye oo lagu qabtay degaanka Harwanaag ee Gobolka Sool.
Shirkan oo u soo qaban qabiyay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash Waxana Ka Qayb Galay Gudomiye Ku Xigeenka Barlamanka Puntland, Xubo ka mida labada Gole Ee Puntland ,Odayaasha Dhaqanka, Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal Iyo Sool, Waxgarad, Aqoonyahano, Sarakiisha Ciidmada,Ururada Haweenka labada dhinac iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Ajandaha shirka ayaa looga hadlay.
1. In lagu dhawaaqo Xabbad joojin
2. In Ciidamada Beelaha ee Dagaalamay laga qaado Deegaamada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.
3. In Ciidamo Dowladeed la geeyo Deegaamada Shaqaaqadu ka dhacday.
4. In la Magacaabo Guddi Xal waara ka keena arimaha keenay Shaqaaqooyinka Deegaamadaas.
5. In lagu Xukumo 200 oo Halaad ciddii Jabisa Xabad joojinta Shirka looga dhawaaqi doono.
Qaar kamida Odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa isla qaatay in xabad joojin warta la qaato.

