Tuesday, May 20, 2025
HomeWararGanacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo

Ganacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo

Ganacsatada jaadka ee ku sugan dalka Kenya ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo iyagoo ka cabanaya nolol xumo soo wajahday, waxeyna doonayaan in dib loo fasaxo qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya.

Dalladda ay ku mideysan yahiin haweenka jaadka kasoo dhoofiya Kenya oo ay ku jiraan hablo Soomaali ah ayaa tirsanaya nolol xumo soo wajahday kadib markii la joojiyay qaadkii ay Soomaaliya geyn jireen.

Xaawo Cabdi Jaamac oo la hadashay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC–da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayey sheegtay iney ka cabanayaan joojinta qaadkii ay geyn jireen Soomaaliya halka la fasaxay jaadka laga keeno dalka Itoobiya.

Haweeneydaan waxey sheegtay iney saameyn ballaaran ku yeelatay isla markaana ay noloshooda ku tiirsaneyd ka ganacsiga jaadka, balse tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraadda saartay jaadka ka imaada Kenya ay culeysyo nololeed soo wajaheen.

“Markii hore jaadka waxaa loo joojiyay sababo la xiriira cudurka COVID19, balse markii dambe gebi ahaan waa la joojiyay inaan jaad geeyno Soomaaliya, taasina waa dhibaato waayo waa shqada kaliya aan naqaano” ayey u sheegtay BBC-da.

Xaawo Cabdi waxey ugu baaqday madaxweyne Farmaajo in loo fasaxo jaadka ay u iib geyn jireen Soomaaliya ama gabi ahaanba jaadka laga xanibo in loo iib geeyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxey xanibtay jaadkii laga keeni jiray Kenya, waana arrimo labada dal u dhaxeeya oo dhanka diblomaasiyadda ah sida la fahamsan yahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe