Tuesday, May 26, 2026
HomeWararGalmudug oo Ciidamo geeysay degmo ay dilal ka dhaceen

Galmudug oo Ciidamo geeysay degmo ay dilal ka dhaceen

Maamulka Galmudug ayaa Maanta degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud geeyay Ciidamo kala duwan, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Ciidamada oi ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa isugu jira, Boolis, Nabadsugida iyo kuwa Gorgor, waxaana ay ka qeyb qaadanayaan sugida Amniga degmada Cabudwaaq iyo degaannada hoostaga, waxaana Cabudwaaq kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Glmudug & Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Shir habeen ka hor ka dhacay degmada Cabudwaaq oo uu guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa lagu go’aamiyay in Ciidamada la geeyo degmada Cabudwaaq oo Saddex habeen oo isku xiga lagu dilay dad Shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada la geeyay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortagayaan colaad Beeleedyada iyo waxkasta oo lidi ku ah amniga, iyaga oo digniin u diray maleeahiyaadka labada dhinac ee dilalka geysanaya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe