Home Warar Galmudug maku fashilantay amaanka wadada xiriirisa Dhuusamareeb & Guriceel?{warbixin}

Galmudug maku fashilantay amaanka wadada xiriirisa Dhuusamareeb & Guriceel?{warbixin}

214

Dowlad-goboleedka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ku fashilmay amaanka wadada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel sida ay xaqiijiyeen quburo dhanka amaanka ah ka dib markii Al Shabaab ay culays soo saareen magaaladda caasimadda u ah maamulka ee Dhuusamareeb.

Xalay saqdii dhexe dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Ceel-dhere oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, wax kayar 30-KM-na u jirta xarunta maamulka ee Dhuusamareeb sida saraakiisha amaanka Dowladda u sheegeen Mustaqbal Media.

Al Shabaab inta ay ku sugnaayeen deegaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud waxa ay ku xireen saldhiga Booliska qarax miino oo barqanimadii maanta ku qarxay deegaankaasi, waxaana ka dhashay dhimashada hal ruux oo magaciisa Mustaqbal loogu sheegay AUN Xuseen Cali Kaariye.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay ruux kale oo ka mid ahaa shacabka deegaanka sida ay saraakiishu u sheegay Mustaqbal in ay ku jirtay aruurinta xogtaan.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel-dheere Xudur Cabdiraxmaan oo ka tacsiyeeyay guurida ruuxa ku dhintay weerarka ayaa sheegay in aysan cabsi gali doonin Al Shabaab isda uu hadalka u dhigay.

“Shahiid Xuseen Cali Kaariye ayaa sakay ku dhintay dhagar ey soo malegan dhagar qabayasha Alshabab, Marnaba nama cabsi galin donto dhagarkasta oo Ay soo maleegan cadawu waxaan ka qadin donah fojignan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay Bartiisa Internet-ka.

Al Shabaab, waxa ay sidoo kale deegaanka ka xaysteen gaari ay saarnaayeen 3 ruux oo shacab ah waxa ayna dib ugu laabteen si nabadgalyo ah deegaanada miyiga ah ee Koofur uga beegan Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

“Al Shabaab ayaa xalay deegaanka qabsaday deegaan, gaari raaxo oo ay wateen 3 ruux yay afduubteen, qaraxna saldhiga ayay ku xireen, qarixii saakay ayuu ku qarxay sadhiga waxaana ku dhintay halruux” ayuu yiri salkaal diiday in magaciisa la xigto oo intaasi ku daray in ciidanka amaanka aysan hubeen ku hoyan saldhigooda sababo la xiriira in ay Al Shabaab weerar ku soo qaadaan.

“Al Shabaab dhowr mar ayay deegaanka yimaadeen mana muuqado talaabo ay qaadeen ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo sababo amaan magaciisa uga gaabsanay.

Saraakiisha amaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay suurta galtahay in uu kala go’ socdaalka deegaanada maamulka Galmudug, ka dib markii xoogga hubaysan ee Al Shabaab ay culays soo saareen deegaanada maamulkaasi.

Deegaanada Galmudug oo inta badan ay gacanta ku hayeen Ururkii Ahlusunna Waljamaaca ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug kala wereegeen amaanka deegaanadaasi bartamihii sanadii 2019, iyada dabayaaqadii February 2020 dagaal socday ku dhawaad 24 saac Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir looga saaray saldhigii ay ku lahaayeen Dhuusamareeb.