Sunday, April 12, 2026
HomeWararBooliska Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay maandooriye & dadkii ka Ganacsanayay

Booliska Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay maandooriye & dadkii ka Ganacsanayay

Ciidamada Booliiska Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Howlgal culus ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.
Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay oo saraakiisha Ciidamadu sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan falalka amni darro.

ayaa gacanta ku dhigey dhowr kartoon oo ah qamri lagu wariyay meelo Magaalada ka mid ah, si looga iibiyo dadwaynaha.
Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle korneyl Xasan Dhicisow Xasan oo howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in qamriga iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya, ay qayb ka yihiin dhacdooyinka amni-daro ee dhaca, isla markaana ay ka hortagayaan.,
Waxa uu u digay dad uu sheegay inay ka Ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo uu sheegay in Ciidamada amniga hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan.
Booliska Hor-Shabeelle ayaa dhowr jeer oo hore ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne iyo degaannada kale ee Hir-Shabeelle waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe