Home Warar Gabdhaha Muslimka ah ee Ka Tirsan Booliska New Zealand oo Xijaabka loo...

Gabdhaha Muslimka ah ee Ka Tirsan Booliska New Zealand oo Xijaabka loo oggolaaday

149

Ciidmada booliska dalka New Zealand ayaa gabdhaha muslimka ah ee ciidaankaas ka midka ah u oggolaaday in ay xiran karaan xijaabka iyaga oo aan ka tagaynin dharka ciidannimo.

Arrintann ayay boolisku sheegeen in ay kaga gol leeyihiin ku dhiirrigelinta gabdhaha muslimka ah in ay ku biiraan ciidamada booliska dalkaas.

Zeena Cali ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee ka tirsan ciidamada biiloska New Zealand ee ku labbisata xijaabka.

Afhayeen u hadlay booliska dalkaas ayaa sheegay in laamaha boolisku ay garwaaqsadeen in ay tixgeliyaan kala duwanaashaha bulshada dalkaas tanina ay qeyb ka tahay.