Home Warar Gaalkacyo oo lagu qabtay dad looga Shakiyay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Gaalkacyo oo lagu qabtay dad looga Shakiyay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

354

Koofurta Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu xiray Rag & Gaadiid ay wateen, kadib markii looga shakiyay ka qaybgalka Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee magaaladaas ka dhacay 18-kii December 2020.

Hay’adaha ammaanka DFS oo kaashanaya kuwa DG Galmudug ayaa ku dhaqaaqay Baarista dadkii ka qaybgalay abaabulka qaraxaas oo ay ku dhinteen Saraakiil ciidan & dad rayid ah oo loo diyaariyay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Ciidamada ammaanka ayaa Dadka ay qabteen u kaxeystay goobo kala duwan oo ah Saldhigyada ay wax ku baaraan Sirdoonka Soomaaliya si ay uga shaki baxaan ama loo helo caddeymo la xiriira falka lagu tuhmayo.

Habeen kahor Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu go’aamiyay ku dhaqaaqista howlgal jawaab u ah weerarkii uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ah oo galaaftay nolosha saraakiil iyo dad shacab.

Wixii ka dambeeyay qaraxaas, Magaalada Gaalkacyo waxaa isbadalay isu socodkeeda, Xaalad Feejignaan ah ayaa ka muuqata Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Koofureed oo hoostagta DG Galmudug.

Wali ma aysan faah-faahin laamaha ammaanka Magaalada Gaalkacyo natiijada kasoo baxday howlgalka ay ku qabteen dadka ay ku tuhmayaan ku lug lahaanta qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo qaraxa ka dhacay waxaa sheegtay Al-Shabaab, ujeedka bartilmaameedka ismiidaamintaas waxa ku tilmaamtay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo xiligaas ku wajahnaa Xarunta Gobolka Mudug.