Thursday, February 13, 2025
HomeWararGaadiidka gala iyo kan ka baxa Magaalada Boosaaso oo la hakiyay

Gaadiidka gala iyo kan ka baxa Magaalada Boosaaso oo la hakiyay

Taliyaha Qeybta Booliiska G/Bari  ee Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeeray saameynta uu reebay roobabka ilaa xalay ka da’ayay Magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay  taxadar dheeri ah sameyaan kana fogaadaan goobaha godan iyo biyo mareenada, kaas oo waxyeelo baahsan u geysan karta inta uu roobka da’ayo.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in la hakiyay isku socodka gadiidka soo galaya iyo kan ka  Baxaya Magalada Boosaaso ilaa inta uu ka joogsanayo roobka, kaddib markii sanadkii hore ay gaadiid farabadan rogmadeen xilli uu roob da’ayay.

Ugu dambeyn Taliyaha Qeybta Booliiska G/Bari  ee Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga digay shirkadaha & dadka guryaha dhisanaya inay biyaha Roobka meelo u furan, waxaan uu ugu baaqay dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso inay tallaabo ka qaado.

Roob dabeylo watay iyo duufaan ku dhufatay Gobolada Bari ee Puntland ayaa waxaa ay sababay geerida 7 Kalluumeysato u dhalatay dalka Yemen iyo burbur hantiyadeed oo aad u farabadan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe