Dagaallo culus oo xalay illaa saaka waaberiga ka dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa sababay khasaarooyin kala duwan, iyadoo la soo sheegayo in labo gaari oo nooca beebayaasha ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu gubay dagaalladii ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo holcaya, kuwaas oo la sheegay inay ku gubteen intii uu socday iska horimaadka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo xaqiijinaya khasaaraha gaadiidkaasi ama faahfaahinta la xiriirta dagaalka.
Dagaallada ayaa waxaa ay socdeen saacado badan oo xiriir ah, iyadoo rasaas culus, madaafiic iyo hub noocyo kala duwan ah laga maqlayay qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in habeenkii oo dhan laga maqlayay jugo xooggan iyo rasaas aan kala joogsi lahayn, taasoo cabsi gelisay shacabka ku nool xaafadaha ay colaadaha ka dhaceen.
Warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku siiyay saraakiisha ciidamada inay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah kooxaha mucaaradka ah. Sidoo kale, wararkaasi waxay sheegayaan in dagaalladu sii socdeen ilaa waaberigii maanta..
Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan goobaha dagaalku ka socday ee Howlwadaag iyo Cabdicasiis. Waxaa la sheegay in labada dhinac ay adeegsadeen hub culus iyo gaadiid dagaal, taasoo sare u qaaday heerka khasaaraha iyo burburka ka dhashay iska horimaadyada.
Dadka ku nool caasimadda ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo waddooyin badan ay xiran yihiin, ganacsiyo badanna ay albaabada u laaban yihiin. Isbitaallada qaar ayaa la sheegay inay qaabileen dhaawacyo ka dhashay dagaallada, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo muujinaysa khasaaraha guud ee ka dhashay colaadaha.
Falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa sheegaya in dagaallada socday habeenkii oo dhan ay muujinayaan heerka halista ah ee ay gaartay xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho. Waxay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah loo helin xabbad-joojin iyo wadahadal siyaasadeed, ay sii kordhi karaan khasaaraha shacabka iyo khatarta amni ee ka jirta caasimadda.
Madaafiic habow ah ayaa sidoo kale la soo sheegayaa iney ku habsadeen meelo ku dhow dekeda Muqdisho.

