Thursday, April 25, 2024
HomeWararFarmaajo oo laga dalbaday in uu cadeeyo tirada & xilliga la soo...

Farmaajo oo laga dalbaday in uu cadeeyo tirada & xilliga la soo celinayo Dhalinyarada la geeyay Ereteriya{AKHRISO}

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu ka jawaabo walaaca Waalidiinta Carruurtooda tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga loona diray Madaxweyne Farmaajo lana ogeeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka dalbaday Madaxweynaha in uu cadeeyo tirada Dhalinyarada tababarka loogu qaaday Ereteriya iyo xilliga ay kusoo laabanayaan dalkeeda Soomaaliya.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen inay cabasho kasoo gaartay Waalidiin badan oo sheegay in Carruurtooda ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega, iyaga oo garab siinaya Ciidmada Federaalka Itoobiya.

Ugu Guddiga ayaa dalbaday in Carruurta tababarka ku maqan in lala hadalsiiyo Waalidiintooda, sidoo kalena loo diro Guddi dowladda & Golaha Shacabka ka kooban si ay u soo xaqiijiyaan xaalada ay ku nool yihiin.

Qoraalkaan kasoo baxay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa yimid, kadib markii Warbaahinta intooda badan ay tebiyeen Hooyooyin sheegaya in Carruurtooda ay ka walaacsan yihiin, isla markaana ay soo gaartay inay ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe