Sunday, March 23, 2025
HomeWararFaahfaahint Askari iyo Haweenay lagu Toogtay Muqdisho

Faahfaahint Askari iyo Haweenay lagu Toogtay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Koox hubaysan oo goordhaweed Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada NISA iyo Haweenay qaad iibinaysay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyeen in Haweenayda ay ku dhacday rasaastii ay isweydaarsanayeen dableyda iyo askariga, waxaana goobta laga qaaday iyadoo dhaawac ah, kadibna waa ay geeriyootay.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in dableyda ay is rasaaseeyeen askariga, kadibna askariga ay ku dhufteen dhawr xabadood, sidaasina uu ku dhintay.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in goobta ka baxsaday sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, waxayna sameeyeen hawlgalo lagu baadigoobaayokooxdii dilkaan ka dambeeyay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaan, sido kalana majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Askariga iyo Haweeneyda.

Wixii ku soomkordha halkaan kala soco:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe