Tuesday, March 18, 2025
HomeWararFaah Faahino dheeraada oo kasoo baxaya Weerar Xalay ka Dhacay Deegaanka Ceel...

Faah Faahino dheeraada oo kasoo baxaya Weerar Xalay ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyne ee G/Sanaag.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo uu hoggaaminaayo Kornel Caare oo dhawaan sheegay in uu ka baxay Somaliland ay xalay weerar ku qaadeen degaankaasi.

Degaanka Ceel Afweyn ayaa waxaa fariisin Ciidan ku leh maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in uu halkaasi soo weeraray Kornel Caare oo horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Somaliland.

Dagaal socday Muddo dhowr Saacaddood ah ayaa dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo waliba Jamhadda uu hoggaamiyo Caare, waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta lasoo weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland,oo waday waanwaan ku aadan in la qanciyo Ciidanka Jamhadda ah si ay dib ugu soo laabtaan Somaliland.

Caare ayaa hoggaamiya Koox hubeysan oo Jamhad ah oo kala soo goostay Somaliland ka dib markii ay isku dhaceen Taliyaha Ciidanka Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe