Friday, February 13, 2026
HomeWararFaah-Faahino:- Dagaal Al-shabaab Iyo Dawladda Ku Dhex-Maray Shabeellada Hoose

Faah-Faahino:- Dagaal Al-shabaab Iyo Dawladda Ku Dhex-Maray Shabeellada Hoose

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadlay dagaallo xalay ilaa maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Somaaliya Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in 10 ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen dagaallo ka dhacay wadda xeebta ah ee u dhaxeysa Jilib Marka iyo Gendarshe.

Dhinaca kale Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dishay Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in weerar iyo qaraxyo ka dhacay inta u dhaceysa Wanllaweyn iyo Afgooye ay ku dileen 12 Askari oo uu mid ka mid ah ahaa sarkaal ka tirsan Milataraiga Soomaaliya.

Sheegashada labada dhinaca ayaa ka dhigeysa in xalay ilaa maanta ay 22 qof oo labada dhinac ah ku dhinteen dagaallada ku dhexmaraya Gobolka Shabeellaha hoose,iyada oo uu dhinac kasta guul ka sheeganayo dagaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe