Saturday, March 22, 2025
HomeBarnaamijyadaFaah-faahin Weerarkii Balli-Doogle.

Faah-faahin Weerarkii Balli-Doogle.

Faah-faahin Weerarkii Balli-Doogle.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa werar qaarxyo ku bilaawday oo Al-Shabaab ay Barqanimadii Maanta ku qaadeen Xerada Ciidamada DANAB iyo kuwa Mareykanka ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose ee Balli-Doogle.

Laba Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa ayaa la sheegay inay Al-Shabaab Xerada ku weerareen,waxaana wararku sheegayaan in qaraxyadu ay ka dhaceen qaybta Baakinka diyaaradaha drons-ka ee Mareykanka.

Waxa jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay,kaas oo aan weli la shaacin,hayeeshee waxaa jiray dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada DANAB & kuwa Mareykanka oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xerada soo weeraray.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jug culus oo loo maleynayo qaraxyo iyo rasaas xoogan, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe