Shir Jaraa,id oo 19-kii June 2017 uu Ka Soo Muuqday Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaali Waxaa uu Ku Sheegay Xiligaas In Hay,adaah Amniga Somaliya Ay Gacanta Ku Soodhigeen Madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir Cabdiwaxaid Khaliif oo Loo Yaqaan Ciise Tarabuun Ka Dib Howlgal ciidamada amniga ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha.
Inakastoo Dowlada Somaliya Aysan Wax Faa Faahin Ka Bixin Hadii Intaas Kadib uu Ka Baxsay Gacanta Hay,adaha Amniga Iyo Hadii Maxkamada Lageeyay Toona Ayaa Hadana Waxaa Ay Dowlada Kenya ayaa sheegtay in 24 bishaan dalkeeda uu soo galay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarabuun.
Qoraalka booliska dalka Kenya Ay Ku Daabaceen Bartooda Twiterka oo uu wehliyey sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhiga booliska ee ugu dhow ay kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan xog la xiriirta Ciise Tarabuun.