Friday, June 26, 2026
HomeWararFaah-Faahin:- Dilal Ka Dhacay Boosaaso flowers online canada

Faah-Faahin:- Dilal Ka Dhacay Boosaaso flowers online canada

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi dil iyo dhaawac ka geysteen.

Koox hubeysan ayaa Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ku  dilay Saabir Axmed Cali  oo ahaa xisaabiye Shirkad Ganacsi oo ku taalla Boosaaso.

Waxaa ay sidoo kale dhaawaceen labo nin oo ganacsato ah oo ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysanaa Bastoolado, waxaana la sheegay toogasho ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Toogashaddaan ayaa timid xilli Magaalada Boosaaso lagu dhaawacay Garsoore Maxkamadeed, islamarkaana ay baxsadeen Kooxihii dhaawacay.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxihii dilka geystay.

Dhinaca Kale Al-shabaab Ayaa Sheegtay In Ay Ka Dambeeyeen Dhaawaca Loo Geystay Garsooraha Oo Ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkmadda Sare Ee Maamulkaasi Puntland.

Garsoorahaan Oo Lagu Magacaabo Saciid cabdi Muumin Ayaa Al-shabaab Waxa Ay Sheegeen In Bartilmaameedku Uu Ahaa Isla-Markaana Ay Doonayeen In Ay Khaarijyeen Sida Ay Al-shabaab Sheegeen.
https://flowercompany.ca/scarborough/

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe