Sunday, December 7, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Gawaari Xumuul Ah Oo Xalay Lagu Rasaaseeyey Shabeellada Dhexe

DHAGEYSO:- Gawaari Xumuul Ah Oo Xalay Lagu Rasaaseeyey Shabeellada Dhexe

Wararka Maanta Naga Soo Gaaraya Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Shabeellada Dhexe Ayaa Sheegaya In Kooxo Hubeysan Ay Xalay Saqdii Dhexe Jidka U Galeen Gawaari Nuuca Xamuulka Ah Oo Rar Waday.

Mid ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo la hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In Gawaarida Ay ka Yimaadeen Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Balse Kooxo Hubeysan Ay Jidka U Galeen Xilli Gawaardu mareysay Inta Dhaxeysa Deegaanka Gololey Iyo Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dableydan Ayaa La Sheegay In gawaarida Ay Rasaas Ku Gureen Balse Aanay Jirin Wax Khasaaro Ah Oo ka Dhashay Jidgooyadaasi.

Intaasi Ka Dib Kooxihii Hubeysnaa Ayaa Isaga Baxsday Goobta Mana Jirto Ilaa Iyo hadda Cid Xaqiijin Karta Wax Ay Damacsanaayeen Iyo halka Ay Ka Socdeen dableydaani.

Goob-Joogaan La hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay InSaaka Aroortii Hore Ciidanka Dawladda Ay Sameeyeen Hawl-Gal Lagu Baadi Goobayo Kooxahaasi Balse Aysan Qofna Usoo Qaban Dhacdadaasi.

Inta Badan Wadada xariirisa Degmooyinka Balcad Iyo Jawhar Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Ayaa Waxa Ka Dhaca falalka Nuucaan Oo kale Iyadoona Ilaa Iyo hadda Aysan Jirin Cid Loo Soo Qabtay Dhacdooyinkaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Goob-Joogaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe