Warar Dheeraad ah Ayaa Weli Kasoo Baxaya Dagaal Habeen Ka Hor Ka Dhacay Aagga Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Kaas Oo Ay Khasaaro Ka Dhalatay Sida Ay Sheegeen Qaar ka Mid Ah Saraakiisha Hor Boodeysay Ciidamada dagaalka Galay.
Dagaalka Ayaa U Dhaxeeyey ciidamada maamulka Somaliland iyo cutubyo ka tirsan Jabhada xoreynta gobolka Sool Sida Ay Sheegayaan Warar Hoose Oo Ay Heleyso Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado.
Sharmaake Maxamed Ciid oo kamid ah saraakiishii hawlgalkaasi fulisay Kana Tirsanaa Jamhadda Xoreynta Gobolka Sool ayaa Ka waramay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, isagoona sheegay in masuuliyada weerarkaasi ay iska lahaayeen ciidamadoodu isla markaasna gaadiid dagaal dhowr ah ay ka gubeen ciidamada Somaliland Sida Uu Hadalka U Dhigay.
Marka Laga Yimaado Sheegasha Sarkaal Ka Tirsan Jamhadda Xorteynta Gobolka Sool Khasaaraha Ay Gaarsiiyeen Ciidanka Soomaaliland Dhinaca Kale Ma Jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Dhanka Soomaaliland Oo Xaqiijinaya Khasaarahaas Soo Gaaray Ciidamadooda.
Waxaana Xusid Mudan In Aan Xariiro Kala Duwan La Sanmeynay Saraakiisha Hor Kaceysa Ciidamada Soomaaliland Ee Tukaraq Ku Sugan Si Aan Arrinkaan Wax Uga Weydiino Balse I Nooma Suura-gelin.