Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaFaafaahin:Saddex Ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faafaahin:Saddex Ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Gobolka Galgaduud

Qarax geystay khasaaro dhimasho ah ayaa ka dhacay degaanka Cali Heelle oo u dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxaana qaraxaasi ku dhintay Saddex Dhalinyaro ah oo qaraabo ahaa.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta  in Qarax Miino dhulka lagu Aaso ah uu haleelay Dhalinyaro saarneyd Mootada labada lug leh ee Fekonta, waxaana halkaasi ku dhintay Saddex Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka Dhalinyarada qaraxa ku geeriyootay, kuwaas oo lagu Aasay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe