Sunday, April 12, 2026
HomeWararfaafaahin:Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

faafaahin:Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa  soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan ka yimaadeen xarunta degmada Kaxda.

Hay’adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo ilaa hadda laga bixiyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe