Faafaahin:dil ka dhacay Galgaduud.

0
122
Ganacsade caan ka ahaa Galgaduud kana soo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta kooxo hubeysan aano qabiil ahaan waxa ay ugu dileen inta  u dhaxaysa magaalada Dhusmareeb  iyo deegaanka Godinlabe.

Sida aan wararka ku helnay ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabayay Cali Kaafi ayaa jidka waxaa u galay maleeshiyaad kasoo jeeda degmada Dhuusomareeb, kuwaa oo dil u geestay kaddibna goobta ka baxsaday.

Dilkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkan u dhaxeysay maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada beel ee kala degta degmooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Isbuucyo kahor ayey aheyd markii maleeshiyaad hubeysan gudaha degmada Dhuusomareeb ku dileen labo nin oo ganacsato aheyd ,kuwaa oo kasoo jeeda iyana degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here