Iska hor imaadka ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa taako ee magaalada Baledweyne, waxaana iska hor imaadkaas kooban ku dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka Macawiisleeyda.
Sarkaalka Macawiisleeyda ee iska hor imaadka ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi Xaad oo ahaa shaqsi si weyn looga garanaayay Baledweyne, waxaana dilka kadib barta koontarool la wareegay ciidanka deegaanka.
Amaanka guud ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa aad u xumaa maalmahii lasoo dhaafay, waxaana magaalada gudaheeda iyo duleedkeedaba ka dhacay dilal loo geystay dad shacab ahaa, hayeeshee aan ilaa hada cidna loo soo qaban dilalkaas.

