Home Warar faafaahin:Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

faafaahin:Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

136

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow gurigii hore ee Cabdi Qaasim oo aan ka fogeen Isgoyska Km4 ee degmada Godan Gobolkan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa lala eegtay Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta, waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday Gaari Cabdi bille ah oo ay saarnaayeen Ciidamada, waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa 5 askari ay ku dhaawacmeen halka hal qof oo ahaa wade Mooto Bajaaj uu ku geeriyooday, iyada oo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.
Laamaha ammaanka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaasi, hayeeshee waxaa xusid mudan in halka qaraxa uu ka dhacay dhowr jeer qaraxyo lagula eegtay mas’uul iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.