Home Warar DFS oo ku dhawaaqday tallaabo culeyska looga qaadayo degaano u go’doonsan Al-Shabaab

DFS oo ku dhawaaqday tallaabo culeyska looga qaadayo degaano u go’doonsan Al-Shabaab

85

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale waxaa ay ugu baaqday xubnaha ka barbar dagaalama Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan degmada Waajid ayaa sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan Ururka Al-shabaab , isla markaana saameyn weyn ay ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay cunaqabateyn saareen degmada Waajid iyo degaannada kale ee hoostaga, waxaana uu ugu baaqay inay culeyska ka qaadaan degmada, isla markaana ay isaga soo baxaan Al-Shabaab.
Wasiir Jaamac waxaa uu si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed ay siwadajir ah go’doonka ay saareen al-Shabaab uga qaadi doonaan degmada Waajid & degaannada hoostaga.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmada Waajid & degaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab.