Wednesday, April 22, 2026
HomeWararDibaddaFaafaahin: duqayn ka dhacday gobolka Hiiraan

Faafaahin: duqayn ka dhacday gobolka Hiiraan

Dawlada Federaalka ayaa sheegaty in hawlgal qorshaysanoo ciidanka Qaranka  kasameeyeen  degaaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo khasaare culu loogu geystay AS.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday seddax xarumood oo AS ay lahaayeen deegaanka, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.

Hawlgal kale ayaa ka dhacay xarunta ay deganaayeen maamulka sare ee AS u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay.

Sidoo kale’ Dawlada ayaa sheegtay  in xaruntaas lagu dilay shan xubnood oo AS ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.

“Hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS banaankadegaanka  Buq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay goobta ku sugnaa ayaa lahu yiri warkaan ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya  .”

“Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa AS uga geeryooday 18 Xubnood oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus, waxaa la burburiyay labo xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo dowladda laguna daabacay wqarbaahinta dawlada .

Dawlada Federaalka Soomalaiya ayaa sheegay Goobta ugu horraysa la duqeeyay waxa ay ahayd Garaash ay AS u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay iyadoo laga dhigay hawlgab ayaa sidoo qoraalka lagu yiri” .

Dawlada  Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe Hawlgalo ka dhan ah AS ka waday qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka .

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe